Ku Dhawaad Labo Milyan Xujeey Ah Oo Taagan Banka Carafo.

banka-carafahIyadoo maanta ay tahay sagaalka Bisha Dul-Xijah waxey malaayiin Muslimiin Xujey ah oo sanadkan gudanayo waajibaatka Xajka waxey maanta taagan yihiin Banka Carafah oo ah Rukniga ugu weyn acmaasha Xajka

Sanadkan waxaa waajibaatka Xajka gudanayo ku dhawaad Labo Milyan Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka’iyadoona sidoo kale dadka Muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka islamarkaana aysan u suura galin iney soo xajiyaan maanta ay wada soomanyihin.

Maalinta Barito oo ay taariikhdu tahay 10-ka bisha Dilxijah waxey tahay maalinta kowaad ee ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha Allaah uu ku manestay adoomadiisa Muslimiinta’iyadoona gabi ahaan dadka Muslimiinta barito hadii uu Allaah SWC nagaar siiyo wada ciidayaan.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.