Ku Dhawaad Shan Askari Oo Lagu Dilay Baay Iyo Bakool.

Wararka ka imaanaya gobalada Baay iyo Bakool waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay ka dhaceen weeraro isugu jira dil,qarax iyo dagaal toos ah kuwaasi oo ka kala dhacay gudaha iyo duleedka degmooyinka Qansaxdheere iyo Xudur.

Dagaal culus oo muddo kooban socday waxa uu ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ee Kabo qaadka u ah Amxaarada ku dhexmaray duleedka degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Dagaalkan waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay kala wareegeen Saddex-dii qore ee ay ku hubeysnaayeen,iyadoona ugu dambeyntii dagaalka lagu jabiyay maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah Xabashida Itoobiya.

Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay waxa uu weerarkan isugu jiray dil loo geystay askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kaasi oo sidoo kale laga qaatay qorigii uu ku hubeysnaay,sidoo kale weerar qarax ah ayaa lagu qaaday guriga gudoomiye ku xigeenka maamulka Shariif Sakiin ugu magacabaan degmada Qansaxdheere waxa uu qaraxan sababay khasaara soo gaartay ilaalada Murtadkaasi.

Calamada.com

2 Comments
  1. Anonymous says

    asc wrx wort

  2. umar says

    asc wrx wbrt

Comments are closed.