Ku Dhawaad Toban Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Afgooye Ka Dhacay.

Qarax culus waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee Rimuudka laga hago ayaa ka dhacay goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada taasi oo dowlada ay dhigatay meel u dhaw xerada Tadaamun ee degmadaasi.

Xilliga qaraxa waxaa goobta Isbaarada ku sugneed Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada,waxa uu qaraxaasi sababay khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka Murtadiinta.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi lagu dilay Shan askari waxaana ku dhaawacmay Afar askari kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyaooda culusyihiin,waxa uu qaraxan ka dhacay Afgooye kusoo aadayaa xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay qarax askari lagu dilay uu ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Calamada.com

Comments are closed.