Macalin Daahir Cali Tifow Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah Rag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah balse ahaa siyaasi wada shaqeyn laleh dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dilay Macalin Daahir Cali Tifow oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee magaalada Jowhar uga qeyb galay soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee lagasoo doortay dhanka maamulka ‘Hirshabelle’,

Xoogaga dilay Macallin Daahir ayaa si naba gelya ah goobta uga baxsaday, Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fulisay dilal ay ku ugaarsaneyso odayaashii dhaqanka iyo Ergadii ka qeyb qaadatay soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee dhanka maamul goboleedyada ka yimid.

Video dhowaan ay soo saartay mu’asasada Alkata’ib ayaa lagusoo bandhigay dilal wadareedyo ka dhan ah Odayaashii xildhibaannada soo xulay iyo saraakiil sirdoonSida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah balse ahaa siyaasi wada shaqeyn laleh dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed.