Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay tiro madaafiic ah ku garaaceen mid ka mid ah deegaanada ciidamada Shisheeye duulaanka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Deegaanka fariisinka ay ka sameysteen ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee madaafiicda lagu garaacay ayaa ah deegaanka Ambareeso oo dhaca duleedka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.
Dhawaaqa madaafiicda ayaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose’iyadoona dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in tiro madaafiic ah gudaha u galeen difaacyada Kufaarta ee deegaankaasi.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha shisheeyaha kasoo gaartay madaafiicda maadaama xilli habeen ah duqeynta ay dhacday’waxeyna duqeyntaan kusoo aadeysaa xilli labo maalin ka hor madaafiic lagu garaacay xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaalka ee Villa Somali.
Calamada.com