Wararka naga soo gaaraya gobolka Lamu ee dhaca xeebaha dalka Kenya ayaa tilmaamaya in xalay ciidamada Mujaahidiinta ay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhig ciidamada Kufaarta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Basuba oo taabacsan Jaziiradaasi.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa idaacada Andalus u xaqiijiyey in xaley ciidamada Mujaahidiinta ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidamada Kufaarta Kenya oo lagu magacaabo Baura base, Iyadoona halkaas uu ka dhashay qasaare kala duwan.
Saldhigan ayaa waxaa dagan ciidamada loo yaqaano GSU oo ah ciidamo gaar ah oo ka tirsan Police-ka Kenya, waxaana lagu garaacay dhowr gantaal oo hoobiyeyaal ah sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta.
Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka sida ay ku waramayaan Mujaahidiinta balse si rasmi ah looma oga qasaaraha maadama waqtiga uu ahaa xilli dambe.
Saraakiil u hadashay dowlada Kenya ayaa xaqiijiyey weerarkan, iyagoona sheegay in weerarkaas looga dhaawacay ilaa afar askari balse waxaa suuragal ah in qasaaraha uu intaas ka badan, ayna qarinayaan waxyeelada soo gaartay ciidankooda.
Mujaahidiinta ayaa dhowrjeer weeraro noocan oo kale ah ka fuliyey deegaanada gobolka Lamu ee gudaha Kenya kuwaas oo lagu dilay tobaneeyo ciidamo saliibiyiin ah iyo dad kale oo nasaaro ah.
Xigasho Telegramka Radioandalus.
Calamada.com