Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada AMISOM.

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in duqeyn xoogan loo geystay saldhig ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybta jugta culus ayaa lagu soo waramayaa iney madaafiic ku garaacayaan garoon cusub oo ay Shisheeyuhu ka dhisayaan duleedka deegaanka Ambareeso.

Lama oga khasaaraha ka dhashey duqeyntan hadda socota, wixii soo kordha wararka iyo barnaamijyada Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaad ku dhageysan doontaan.

Guutada Madaafiicda ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa si joogta ah u duqeeyay xarumaha Murtadiinta iyo kuwa Kufaarta ay ka sameysteen Konfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

 

Comments are closed.