Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala Jaziirada Lamu ayaa weerar xoogan oo loo adeegsaday Hoobiyeyaal waxay ku qaadeen saldhig ciidamada military-ga Kenya ay ku leeyihiin Jaziirada Lamu ee dhul xeebeedka Kenya, Iyadoona qasaare culus halkaas lagu gaarsiiyey cadowga.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in xalay geesiyada Islaamka ee ka howlgala Xeebaha Kenya ay u suuragashay in ay beegsadaan saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baura oo ka mid ah deegaanada Jaziirada Lamu ee gudaha dhulka Kenya.
Mujaahidiinta ayaa dhowr gantaal oo hoobiyeyaal ah ku garaacay saldhigga kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku dhaceen gudaha xerada sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu sababay qasaare xoogan, islamarkaana la arkay uuro iyo holac ka baxaya qeybo ka mid ah saldhigga ka dib markii qaar ka mid ah gantaalada ay ku dhaceen gudaha Xerada.
Xigasho Telegramka Radio Andalus.
Calamada.com