Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo midka maamulka Gaala raaca Shariif Sakiin ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka magaaladaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah u beegsadeen islamarkaana tiro madaafiic ah ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo saldhig u ah Xabashida Itoobiya iyo dhisamaha xarunta madaxtooyada maamulka Shariif Sakiin.
Sidoo kale waxaa jira xarumo kale oo Amxaarada Itoobiya iyo maamulka Ashahaado la dirirka Shariif Sakiin ay ku leeyihiin degmada Baydhabo oo xalay madaafiic lagu garaacay.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Baydhabo oo la hadlay warbaahinta waxey sheegeen in saaka aroortii ay arkeen gaadiidka Ambalaasyada oo galaya xarumaha Kufaarta Itoobiya iyo kuwa Murtad Shariif Sakiin ee xalay la duqeeyay taasi oo muujineysa in madaafiicdaasi ay geysteen khasaaraha nafeet iyo mid hantiyadeed.
Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in iyaguna madaafiic jawaab celin ah ay rideen taasi oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dadka shacabka kasoo gaartay.
Calamada.com