Madaafiic Lagu Garaacay Saldhigyada Ciidamada Puntland.

galgalaWararka ka imaanaya gobalka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhigyo maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ka sameysteen duleedka magaalada Boosaaso.

Saldhigyada Puntland ee madaafiicda lagu garaacay ayaa ku kala yaala deegaanada Af-urur iyo Galgala oo labaduba ah deegaano hoostaga magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in labada saldhig ee deegaanadaasi lagu garaacay mid 10 madfac taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Puntland lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.

Dhowr todobaad ka hor ayeey aheed markii sidoo kale madaafiic lagu garaacay saldhiga deegaanka Af-urur lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka Puntland waxaa sidoo kale duqeyntaasi lagu gubay bakhaarkii keydka hubka iyo saanada ciidamada Puntland ee deegaankaasi.

Calamada.com

Comments are closed.