Madaafiic Lagu Garaacay Xarumo Ku Yaala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Tiro Madaafiic ah ayaa lagu garaacay xarumo ciidamada Kufaarta iyo kuwa dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Xarumaha sida gaarka ah loo duqeeyay waxaa ka mid ah Xerada Xalane’Hoteel Peace’iyo xarunta UNDP’iyadoona dhawaaqa jugta madaafiicda si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ku dhacday gudaha hoteel Peace ayaa sababay dhimashada Afar ruux iyo dhaawaca saddex kale oo ka mid ah xubnihii daganaay hoteelka’sidoo kale madaafiicda ku dhacday xarumaha kale ayaa iyaguna sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay mas’uuliyadda madaafiicda lagu garaacay xarumaha UNDP’Hoteel Peace iyo xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

 

Comments are closed.