Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Ciidamada Ka Jooga Somalia Amar Siiyay.
  • Allposts
  • Warar

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ciidamada Ka Jooga Somalia Amar Siiyay.

August 19, 2018

Kumanaan katirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii lagu miciya siibay dagaalka jabhadeyska ah ee dalka ka socda.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa iska barbar dagaallamayay lixdii sanadadood ee lasoo dhaafay balse waxaa kala geeyay weerarada isdaba joogga ah ee uga imaanaya xoogaga Al Shabaab.

Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa isku khilaafsan habsami usocodka dagaalka gobolka Hiiraan heer Taliyaha ciidamada Jabuuti uu Itoobiyaanka ku eedeeyay khiyaano iyo in ay furimaha dagaalka uga baxeen.

Illaa sedax degmo ayay Jabuutiyaanku ka heystaan gobolka Hiiraan laba degmo ciidamada Itoobiyaanka ayaa uqabtay halka degmada kale ay ugacan geliyeen ciidamada Burundi ee qeyb ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Ciidamada Jabuuti waxay ka badin waayeen in ay iskusoo oodaan Godad waaweyn oo ay ka qoteen magaalooyinka Jalalaqsi, Buula Burde iyo Beled Weyne halkaas oo ay fuxshi iyo dhaqan xumo ku faafiyeen.

Hareerayn raagtay oo xoogaga Al Shabaab kusoo rogeen magaalada Buula Burde ayaa nolol cusub bartay ciidamada Jabuuti, weeraro dhabbagal ah oo Al Shabaab ay udhigtay kolonyada ciidamada marka ay isku gudbinayaan saadka ayaa sababay dhimashada tobaneeyo askari arrinkaas oo sababay qaadashada go’aamo layaab leh.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa saraakiishiisa ku sugan Soomaaliya soo gaarsiiyay amar guud oo ah in ciidamadu ya aysan sameyn karin wax dhaqaaq ah!.

Ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in Hoggaanka ciidamada Jabuuti ay fareen askarta iyo saraakiisha in aysan ka bixi karin saldhigyada ay uga suganyihiin sedaxda magaalo ee ay ka joogaan gobolka Hiiraan haddii ay ka dhega adeygaanna ay qaadayaan mas’uuliyadda wixii gaara.

“Askarigii lagu dilo meel ka baxsan magaalada uu ku suganyahay wax megdhaw ah maheli doono isaga ayaana mas’uul ka ah wixii gaara” sidaas waxaa ciidamada usheegay sarkaal Jabuutiyaan ah.

Saraakiisha qaar ayaa cabasho ka muujiyay go’aankan waxayna codsadeen in loo ogolaado in ay maandooriyaha khaatka suuqyada kasoo iibsadaan balse ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dhega adeygay wuxuuna uballan qaaday in khaat gaar u ah loogu geynayo saldhigyada ballanqaadkaas oo uu ka dhabeeyay oo maalin walba diyaarado khaat sida ayaa ka degay garoomada magaalooyinka Buula Burde,Beled weyne iyo Jalalaqsi.

“Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in wax walba oo aad ubaahataan laydinkugu keenayo magaalooyinka aad joogtaan oo aadan wax roondda ah sameyn karina” ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa go’aankan uu qaatay usababeeyay in layareeyo khasaaraha ciidamada kasoo gaari kara weerarada Al Shabaab waqti lagu jiro xilli kala guur ah oo dhammaan dowladaha ku midoobay dalladda AMISOM isku diyaarinayaan bixitaan waxayna umuuqdaan in ay yihiin khasaare ka carar.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu uballan qaaday ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya in dhanka hawada loogu geeyo saadka iyo sahayda ay ubaahanyihiin, magaalooyinka Buul Burde iyo Jalalaqsi ayay amarradan ka dhaqan galeen 3 bilood ka hor mana jirin wax dhaqaaq ah oo ay ciidamadu sameeyeen.

Wadada laamiga ah ee isku xirta Beled Weyne illaa iyo Jowhar ayaa sanaddii 5 aad oo xiriir ah go’an waxaana ka caagay gaadiidka ciidamada shisheeye halka gaadiidka dadweynaha ay Al Shabaab uweecisay waddo amni ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo sanaddii lasoo dhaafay lageeyay deegaanka Halgan si ay wadada ugu furaan Jabuutiyaanka ayaa wax qaban waaye taas bedelkeedna iyaga ayaa saadka diyaarado loogu daabulaa.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo sheeganayay in ay Soomaaliya u yimideen ilaalinta Nabad ayaa kusoo koobmay in ay ilaashadaan oo kaliya Nabadda naftooda waxayna gabeen in ay sugaan amniga askarta iyo madaxda dowladda Federaalka oo banaan yaal unoqday weerarada Al Shabaab.

Continue Reading

Previous: Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Weeraro Kala Duwan Oo Ka Dhacay Muqdisho.
Next: Askar Fara Badan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Marka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022
Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.
  • Allposts
  • Warar

Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.