Madaxweyne Ku Xigeenka Afghanstan Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

dostomWararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar culus lala beegsaday kolanyo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka Afghanistan kaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Faryab ee dalkaasi.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islamiga Afghanistan ayaa kamiinka u dhigay kolanyada uu la socday Cabdi Rashiid Dustum oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka dowlada Nasaarada Mareykanka ka dhisatay dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaaray’waxaa sidoo kale weerarkaasi dhabba galka ah lagu dilay 20 askari oo isugu jira saraakiil iyo ilaaladiisa gaarka ah sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 40 askari.

Dhanka kale weerar qarax ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baglan ee dalka Afghanistan waxaa lagu gubay gaari dagaal waxaa ku dhintay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada daba dhilifka dalka Afghanistan Labo kale weey ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weeraradaasi ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta ee Imaarada Islamiga Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.