Maktabka qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa goordhow war uu soo saaray ku shaaciyey in maalinta berito la dhameystiri doono bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay noqoneyso 30-ka Ramadaan.
Warkan ka soo baxay Maktabka qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab oo la soo gaarsiiyey Idaacada Islaamiga Andalus ayaa lagu sheegay in Mujaahidiinta ay guddi gaar ah u xil saareen raadinta iyo baadigoobka bisha, islamarkaana laga waayey dhamaan wilaayaatka Islaamiga iyo deegaanada ku xeeran sidaas darteedna uu maktabka go’aamiyey in la dhameystiro bisha Ramadaan.
Maalinta Arbacada ah ee soo socota ayaa noqon doonta maalinta koowaad ee ciidda marka loo eego warka ka soo baxay Maktabka qadaha ee Mujaahidiinta.
Wadamo badan oo ka mid ah kuwa Caalamka Islaamka ayaa sidaas oo kale looga dhawaaqay in maalinta berito ay tahay 30-ka Bisha Ramadaan, lana dhameystiri doono soonka, islamarkaana 1-da bisha shawaal ay noqon doonto maalinta arbacada ah ee soo socota.
Halkan Ka Dhageyso Andalus Oo Baahisay Bayaanka Maktabka Qadaha.
Xigasho Telegram-ka Radioandalus.
Calamada.com
ALaahu akbar ,Halkaan waxaan tahniyad ciida ugu diriyaa ciidamada mujaahidiinta ee ku sugan furumaha dagaalada ee naga hortaagan cadowga gaalada saliibiyiintaa ee rabo in eey dalkeena qabsadaan Guuul sshubaabul mujaahiin
Dalkaan iyo diintaan niman mujaaahidiin aa difaacaayo
Hadaanan shabaabul mujaahidiiin laga baqeyn maanta waxaa lagu jiri lahaa gumeysi kii ugu xumaa,ILAAHEY GUUSHA MUJAAHIDIINTSA HA SIIYO