Maleeshiyaadka dowladda oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho.

Dilal lagula kacay dad shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir xilli ay kadeed wajahayaan malaayiin qof oo ku dhaqan Muqdisho.

Maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda ayaa xalay fiidkii isgoysa Efeco ku toogtay wiil dhalinyara ah oo darawal ka ahaa Moota Bajaaj xilligaasi sidda dad shacab ah.

Sidoo kale laba qof ayaa xalay siyaaba kala duwan loogu dilay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, maleeshiyaadka Xasilinta ayaa rasaas ay fureen ku dilay dad shacab ah.

Dilalkan ayaa yimid xilli Xasan Cali Kheyre uu xalay booqanayay jidgooyooyin ay maleeshiyaadkan soo dhigteen waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Comments are closed.