Maleeshiyaat Hubeysan Oo La Wareegay Xarunta Doorashada Kismaayo.

kismaayo eleboorkaggWararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan maamulka gaala raaca isku magacaabay ‘Jubbaland’ ay la wareegeen xaruntii ay ka socdeen doorashooyinka xildhibaanada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ay xoog ku galeen xaruntii ay ka dhici laheyd doorashada Aqalka hoose ee Murtadiinta.

Saraakiil ka tirsan maamulka Murtad Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in ciidamo hubeysan oo gadoodsan ay qabsadeen xarumaha doorashooyinka.

 Ciidamada ayaa amar ku siiyay guddiga doorashooyinka dadban iyo ergadii wax dooran laheyd in ay isaga baxaan xarunta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka cabanayaan muushaaraadkii  ay qaadan jireen oo ka maqan wax ka badan seddax bilood oo xiriir ah.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid jahwareer uu ka taaganyahay iyadoona ay suura gal tahay in saacadaha soo socda dagaal ku dhexmara maleeshiyaatka gadoodsan iyo kuwa shisheeyaha gaalada ah ee ku wada sugan magaaladaasi.

Calamada.com

Comments are closed.