Maleeshiyaat Ka Wada Tirsan Dowlada Federaalka Oo Jowhar Ku Dagaalamay.

Jowhar2Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe ku dagaalamay maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka.

Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii kala shaki uu soo kala dhexgalay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee ku sugan xaafada Buri ee gudaha degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor’imaadkaasi maleeshiyaatka Murtadiinta isaga dileen labo askari’iyagoona iska dhaawacay hal askari.

Sidoo kale iska hor’imaadkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Maleeshiyaatka Dowlada Ridada federaalka ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay in dhex dooda ay dagaalamaan’waxeyna dhowr jeer iska dileen saraakiil iyo askar fara badan.

Calamada.com

Comments are closed.