Maleeshiyaatka Dowlaada Federaalka Oo Gaari Shacab La Socdeen Rasaaseeyay.

Gaari-Bl-ah muqdishoSaacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah gaari rakaab ah ugu rasaaseeyeen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada ayaa gaarigan rakaabka nooca dadweynaha xambaara ah ku rasaaseeyay agagaarka saldhig galbeed ee degmada Dharkenley.

Rasaasta ayaa sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday rakaabkii shacabka ahaa ee la socday gaariga maleeshiyaatka Murtadiinta rasaaseeyeen.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi bareerka ah waxey sababtay dhaawaca ilaa iyo Saddex ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah ay tahay haweeney kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay goobaha caafimaadka.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay rasaasta sida bareerka ah maleeshiyaatka dowlada u hubinayaa gaadiidka dadweynaha xambaara iyo dadka ku ganacsada suuqyada magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.