Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Dad Shacab Ah Dilay.

deegaanka 7845Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka dad shacab ah ku dileen deegaan hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Maleeshiyaatka ayaa si bareer ah u dilay wiil iyo aabihiis oo ka mid ah xoolo dhaqato reer guuraa ah kuwaasi oo xoolo ku ilaashanayay deegaan dhanka Waqooyi Galbeed ka xiga degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Aaabaha ay dileen maleeshiyaatka ayaa ahaa da’da Lixdanmeeyada kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuur Cali dheere’waxey maleeshiyaatka dowlada aabahaas la dileen wiil uu dhalay.

Inta badan maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa si bareer ah isaga dila dadka shacabka ee ku nool goobaha shisheeyaha gaalada ah kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Somaliya.

Calamada.com

Comments are closed.