Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Gobalka Bakool.

deegaanka 7845Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuura ee gobalka Bakool waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka tiro dad shacab ah ku dileen gudaha degmadaasi oo ka mid ah goobaha Xabashida Itoobiya duulaanka kaga suganyihiin gobalka Bakool.

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayeey maleeshiyaatka dowlada  si bareer ah ugu dileen degmada’iyadoona maalin ka hor maleeshiyaatka dowlada ridada federaalka dadkaasi shacabka ah kasoo qafaasheen deegaanka Cimilo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Rabdhuura.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Rabdhuura oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney si aad ah uga naxeen falka ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona markii dambe dadka shacabka ay ku guuleysteen aasidda dadkaasi ay xasuuqeen maleeshiyaatka dowlada.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka joogtada ah ee maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa Kufaarta Xabashida Itoobiya kula dhaqaaqaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha Xabashidu duulaanka kaga sugantahay gobalada Baay iyo Bakool.

Halkan Ka Dhageyso Dadka Shacabka Ee Maleeshiyaatka Dowladda Bakool Ku Dileen.

Calamada.com

Comments are closed.