Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah u rasaaseeyeen labo gaari oo dad shacab rakaab ah la socdeen.
Labada gaari Hoomeyda ah ee ayeey maleeshiyaatka dowlada federaalka ku rasaaseeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa doonayay iney boob u geystaan labada gaari iyo rakaabka la socday balse labada darawal ee gaadiidkaasi ka xeynayay ayaa isku dayay iney dadka iyo gaadiidka badbaadiyaan oo aysan u istaagin maleeshiyaatka Murtadiinta taasi oo ugu dambeyntii sababtay in maleeshiyaatka dowlada rasaas ooda uga qaadaan labadaasi gaari.
Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in rasaastaasi ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad Shan ruux oo qeyb ka ahaa rakaabkii la socday labadaasi gaari.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Kufaarta Afrikaanta si bareer ah duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose ugu xasuuqeen dad shacab ah oo la socday gaari Hoomey ah.
Calamada.com