Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah gudaha degmadaasi ugu dileen ruux shacab ah oo qeyb ka ah bulshada ku dhaqan degmadaasi.
Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada gaar ahaan kuwa daacada u ah taliye ku xigeenka maleeshiyaatka ee degmada Balcad ayaa gudaha degmadaasi ku toogtay mid ka mid ah darawalada kaxeeya gaadiidka dadweyanaha ee isaga kala goosha degmada Balcad iyo magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Qeybaha bulshada ku dhaqan degmada Balcad ayaa si aad ah uga carooday dilkan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ka geysteen degmada oo qeyb ka ah goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii askari ka tirsan maleeshiyaatka maamulka sii dhacaya ee Xasan Garguurte si bareer ah agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ugu toogtay ruux darawal ka ahaa Moota Bajaaj kaasi oo dilkiisa uu yimid kadib markii uu diiday bixinta lacag baad ah oo uu ka dalbaday askariga dilka geystay.
Calamada.com