Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Gaari Ku Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho.

wadada-u-dhaxaysa-cali-kamiin-iyo-ifka-xalanne- ee muqdishoSaacadihii lasoo dhaafay waxaey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gaar ahaan kuwa ku sugan Isbaarada Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho si bareer ah u rasaaseeyeen gaari nooca Xamuulka ah oo kusoo jeeday magaaladan Muqdisho.

Gaariga Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka rasaaseeyeen ayaa ah gaari nooca Xamuulka oo khudaar kasoo qaaday gobalka Shabeelada hoose kuna soo socday magaalada Muqdisho.

Rasaasta maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale kuwaasi oo dhaawacyadooda lasoo gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee magaaladan Muqdisho.

Labada ruux ee rasaasta ku dhaawacantay ayaa waxaa ku jira darawalkii ka xeynayay gaariga Xamuulka ee qudaarta waday’iyadoona maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka shaqo maalmeed ay ka dhigteen rasaaseeynta gaadiidka ay la socdaan dadka shacabka.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.