Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ee Konfur Galbeed ee dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gaari ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobalka Bakool.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa gaariga ku rasaaseeyay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool’iyadoona rasaasta ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca tiro shacab ah oo qeyb ka ahaa rakaabkii gaariga la socday.
Inta la xaqiijiyay rasaasta waxaa ku dhintay hal ruux oo ahaa darawalkii gaariga kaxeynayay’sidoo kale waxaa dhaawacmay shan ruux oo qeyb ka ah rakaabkii la socday gaarigaasi.
Gaarigan ayeey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ku rasaaseeyeen deegaan lagu magacaaba Seyalow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool.
Calamada.com