Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah ku dileen gudaha degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Dilkan bareerka ah waxaa geystay askari ka tirsan maleeshiyaatka Ridada federalka ee ka howlgala degmada Dharkenley’isagoona si ula kac ah ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaay goob kubadda cagta lagu ciyaara oo ku taala gudaha degmada Dharkenley.
Dilkan waxaa si aad ah uga naxay qeybaha shacabka ku dhaqan degmada Dharkenley’iyadoona maamulka dowlada Ridada degmada Dharkenley xabsiga dhigin askarigii dilkaasi geystay.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada federaalk ayaa si bareer ah u dila shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobalka Banaadir.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.