Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gudaha degmada Xamarweyne ku dileen qof shacab ah’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaabka dilka u dhacay.
Goobta sida gaarka ah dilka kaga dhacay ayaa ah Ceelgaabta degmada Xamarweyne’iyadoona maleeshiyaatka dilka geystay ay doonayeen iney dhac u geystaan Moota Bajaaj ah oo xilligaasi ku sugneed Ceelgaabta.
Rasaasta maleeshiyaatka dowlada federaalka ay ku fureen Mootada Bajaajta ah ayaa haleeshay qof shacab ah oo wadada marayay’iyadoona arintaan ay si aad ah uga naxeen dadkii shacabka ee goobta ka agdhawaa.
Dilalka sida bareerka ah maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa Kufaarta AMISOM ay u geystaan dadka shacabka ayaa joogta ka ah goobaha shisheeyaha kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha Somali’iyadoona labo maalin ka hor ay aheed markii ciidamada Kufaarta Uganda afar ruux oo shacab ah si bareer ah ugu dileen degmada Buulomareer ee gobalka Shabeelada hoose.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.