Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka dhac iyo dilal ay ka geysteen mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Deegaanka maleeshiyaatka dowlada dilalka iyo dhaca ka geysteen ayaa lagu magacaabaa Buulo-xaawo’iyadoona maleshiyaatka Amxaaro kalkaalka ah ee dhibaanatada ka geystay deegaanka ay kasoo baxeen degmada Bardaale ee gobalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaatka Murtadiinta gudaha deegaankaasi ay ku dileen labo gabdhood oo xilligaasi dugsi Quraan ku sii jeeday’waxeyna sidoo kale maleeshiyaatka jeex jeexeen kitaabadii Quraanka ee gabdhahaasi ay wateen.
Sidoo kale maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka waxey deegaankaasi ka geysteen dhac baahsan oo ay kula dhaqaaqeen goobaha ganacsi ee deegaankaasi’iyadoona maleeshiyaatka dowlada ay caan ku yihiin dhaca’kufsiga iyo dilalka ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka.
Calamada.com