Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Maqaal;Shirarka Ururka Jaamacadda Carabto Go’aamo Aan Fulin Laheyn Muddo 70 Sanadood ah.
  • Allposts
  • Warar

Maqaal;Shirarka Ururka Jaamacadda Carabto Go’aamo Aan Fulin Laheyn Muddo 70 Sanadood ah.

calamada July 27, 2016 3 min read
100

maqaal3Magaalada Nuwaakshood ee caasimadda Wadanka Muritaaniya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee Ururka dowladaha ku bahoobay jaamacadda carabta wareegiisa 27-aad.

Shirka Hoggaamiyaasha Carabta ee Nuwaakshood ayaa looga hadlayay ajanadayaal dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo arrimaha Suuriya Ciraaq iyo Liibiya.

Dawaaqidda carbeed ayaa halku dhigga shirka ka dhigtay “Al-amal” oo macnaheedu yahay Rejo ama yididiillo.

Wariyaal ayaa soo sheegay in shirkan uu maray halkii ay mareen shirarkii hore mana jirin wax natiija muuqata ah oo kasoo baxay haddii ay kasoo baxeena lama filayo in la dhaqan gelyo.

 Taariikha Shirarka Ururka Jamaacada Carabta iyo go’aamada aan la fulin ee kasoo baxay.

Markii ugu horraysay ee laqabto shir ay isugu yimaadaan Hoggaamiyaasha Ururka ku bahoobay Jaamacadda Carabta wuxuu ka dhacay
Qasriga anshaas magaalada Al-Qaahira ee wadanka Masar sanadku markii uu ahaa 1946 waxaana soo qaban qaabiyay boqorkii Masar ee xilligaas Boqor faaruuq.

Ajandaha shirkaasi looga hadlayay ayaa ahaa dajintii dadka Yahudda ee dhulka filasdiin oo xilligaasi si xowlli ah ku socotay.

Sanaddii 1959 Waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Beyruut ee xarunta wadanka Lubnaan sanadkii

Sanaddii 1964 waxaa lagu qabtay magaalada Al Qaahira waxaa soo qaban qaabiyay Hoggaamiyihii Masar ee xilligaasi jamaal cabdi naasir
waxaana looga hadlayay hindise ahaa mideynta ciidamada dowladaha Carabta wuxuuna ahaa ajandaha kaliya ee dhaxalgalka ahaa balse nasiib darro lama fulin go’aankaasi oo hoggaamiyaasha carabta waxay ku mashquuleen cabidda casiirka iyo ku takri fallidda hantida dadweynaha.

sanaddii 1967 waxaa shirka Jaamacadda Carabta lagu qabtay magaalada Al-khurduum ee caasimadda wadanka Suudaan waxaana shirkaasi lagasoo saaray sedax qodob oo kala ah:-

1-Heshiis lalama geli karo israa’iil
2-lama aqoonsan karo Israa’iil
3-lalama hadli karo Israa’iil.

Dhammaan sedaxdaasi qodob hoggaamiyaasha carabta waa jabiyeen iyagaa aqoonsaday Yahuudda iyagaa wadahadal lagalay iyagaana la heshiiyay oo dhulka Filasdiin ugacan geliyay sida ku cad taariikhdooda madoow.

Sanaddii 1978 waxaa shirka Jamaacadda carabta lagu qabtay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, waxaana masar looga joojiyay martigelinta joogtada ah ee xarunta Ururka sababa la xariiria heshiiskii nabadda Kaam David oo ay la gashay maamulka Yahuudda sahyuuniyadda waxaana xilligaasi xarunta Jaamacadda Carata si KMG ah loogu wareejiyay wadanka Tuunis.

Sanaddii 1989 Shirka Jaamacadda Carabta waxaa lagu qabtay Magaalada Daarul Beydaa ee wadanka Al-maqrib (Marocco) mar kale dowlada Masar ayaa dib loogu celiyay marti gelinta xarunta Ururka.

Sanaddii 2002 waxaa shirka markale lagu qabtay Magaalada Beyruut
waxaa looga hadlayay ajandde uu soo agaasimay boqorkii Sacuudiga oo ahaa “dadaallada nabadda  carabta.

Sanaddii 2003 waxaa lagu qabtay Magaalada loo nasasha tago ee Sharamal sheikh waxaa lagu diiday duullaan ay Mareykanka iyo xulufadiisa ku qaadi lahayeen wadanka Ciraaq wuxuuna shirkaasi soo idlaaday 1,March 2003.

balse go’aankaasi waxba kama hirgelin oo 19 March ee isla sanadkaasi Mareykanka ayaa duullaan ku qaaday Ciraaq isagoona qabsaday wadanka oo idil.

Sanaddii 2013 waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Dooxa ee wadanka Qadar waxaana lagu aqoonsaday in la aqoonsado waxa loogu yeero golaha Qaranka suuriya oo kooxaha mucaaradka ah leeyihiin, Hoggaamiyaasha dowladaha carabta ayaa xilligaasi kursiga Suuriya siiyay mucaaradka Suuriya balse laba sana kadib waxba kama fulintii go’aamadii dooxa.

Sanaddii 2015 markale waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Sharma Alsheekh ee wadanka Masar waxaana dib loogusoo nooleeyay ajandihii Jamaal Cabdi Naasir oo ahaa mideynta ciidamada dowladaha Carabta! Isna wuxuu noqday mid waxba kama jiraan ah.
Hoos Ka Daawo Warbixin Muuqaal ah oo ku saabsan shirarka Jamaacadda Carabta.

W/D Warfaa Kheyrdoon

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Gaari Dagaal Oo Ciidamada Kenya Looga Gubay Lamu.
Next: Dagaal Culus Iyo Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

June 28, 2022
Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.