Ilo wareed Meliteri oo Mareykann ah ayaa sheegay in Dowladdiisu ay qorsheyneyso inay sii xoojiso joogitaanka Ciidamada Ameerikaanka ah ee Dalka Yemen, si loo dar dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Al-Qaacidda ee Jaziiratul Carab, laba bilood kadib markii uu halkaas u diray Koox Askar ah.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay Gaalka lagu magacaabo Jozef Fotel oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Gobolka Bariga dhexe inay qorsheynayaan in Ciidamo dheeraad ah ay u diraan goobo hor leh, isagoona diiday inuu bixiyo faah faahin dheeraad ah oo arrinkaas ku aadan, balse wuxuu ku gaabsaday in Ciidamada Mareykanka ah u dirayaan halka loo arko inay ka fulin karaan howsha loo xilsaaray.
“ Waxaan doonaynaa inaan helno goob Amni ahaan xasiloon, si aan diiradda u saaro howsha gaarka ah ee na loo xil saaray, taas oo ku wajahan Ururka Al-Qaacidda ee Jaziiratul Carab†ayuu yiri Jozef Fotel oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq.
Inkastoo Mareykanku uu sii wado duqeymaha xagga cirka ah ee ka dhanka ah Mujaahidiinta Dalka Yemen ayaa haddana waxay duqeymahaasi wa xoogaa hoos u dhaceen tan iyo uu billowday dagaalka lagula jiro Xuuthiyiinta, iyadoona Sanadihii ugu dambeeyay ay duqeymahaasi ku shahiideen hogaamiyeyaal iyo Askar ka tirsanaa Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah, halka ay sidoo kalena ay gallaafteen nolasha boqollaal ruux oo Muslimiin ah.
Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka ayaa Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah ee Dalka Yemen waxay u aragtaa faraca ugu halista badan marka loo bar bar dhigo furuucda kale ee Ururweynaha Al-Qaacidda, iyadoona Mujaahidiinta Yemen ay dhowr jeer sheegateen Mas’uuliyadda howl-gallo qorsheysan oo lagu qaadi lahaa gudaha dalka Mareykanka.