Masuul Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Qarax Lagula Eegtay Baardheere.

SAWIR GAARIGA MAAREEYAHA LA QARXIYAY

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa galabta ka dhacay qarax aad u xooggan oo lala eegtay mid ka mid ah masuuliyiinta maamulka isku magacaabay Jubbaland iyadoona la helayo faahfaahinno dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Baardheere waxa uu si gaar ah kaga dhacay nawaaxiga xarunta nabad sugidda waxaana lala beegsaday gaari uu la socday maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ninka lagu magacaabo Jaamac Cali Hire.

Xarakada shabaabul Mujaahidiin oo sheegatay masuuliyadda qaraxan waxay sheegtay in qaraxa uu si dirqi ah kaga badbaaday maareeyaha garoonka magaalada Baardheere Jaamac Cali Hire balse uu soo gaaray dhaawac halis ah waxaana masuulkan ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland la dhaawacmay 2 askari.

Dhaawacyada masuulka la qarxiyay iyo askarta ayaa loo qaaday cisbitaallada magaalada halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad. waxaana sidoo kale qaraxa barakaysan ku burburay gaariga maareeyaha ee qaraxa lala eegtay.

Baardheere waxaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale kaga dhacay qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ay ku beegsadeen masuuliyiin iyo xubno sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah iyo ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga magaaldaas.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.