Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Maxaa Kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya Ay Yeelanayaan Hal Baasaboor?, Shir Ka Furmay Muqdisho [Warbixib].
  • Allposts
  • Warar

Maxaa Kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya Ay Yeelanayaan Hal Baasaboor?, Shir Ka Furmay Muqdisho [Warbixib].

February 12, 2018

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir la sheegay in lagu mideynayo waaxaha socdaalka ee waddamada dhaca geeska qaaradda Afrika.

Shirkan oo ka furmay xerada Xalane waxaa guddoominaya  mas’uul katirsan dowladda Xabashida Itoobiya oo ah maskaxda ka dambeysa in shir nuucaan ah uu qabsoomo waxaana mashruucan maalgelinaysa waxa loogu yeero Q.Midoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedkan shirkan laga leeyahay uu yahay in Baasaboor mid ah loo sameeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waana qorshe uu toban sano ka hor soo hindisay Males Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya.

Jamaaludiin Mustafa oo ah Safiirka dowladda Itoobiya uqaabilsan Soomaaliya ayaa shirka daah furay wuxuuna sheegay in dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ay sameyn doonaan sharci usamaaxaya dadweynaha geeska Afrika in baasaboor la’aan ay isugu kala gooshaan.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya oo huwan shaatiga Ururka IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii ay wakiillada ‘Beesha Caalamka’ uga dhaadhicin lahaayeen in Soomaaliya iyo Itoobiya loo sameeyo hal baasaboor taas oo ka dhigan in madax banaanida dalka lagu wareejiyo Itoobiya arrintaas oo diblumaasiyiintu ku tilmaameen gumeysi dadban oo shacabka Soomaaliyeed lagelinayo.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda qirtay in shir ku saabsan socdaalka uu Ururka IGAD Uga furmay Xerada Xalane balse si kale ayay u dhigtay oo agaasimaha waaxda Socdaalka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu daah fur  u yahay qorshe lagu baadi goobayo sidii Baasboor mid ah loogu sameyn lahaa shucuubta wadamada Bariga Afrika.

Abuukar Carmaan oo horay usoo noqday Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyay in shirka ka socda Muqdisho uu yahay mid lagu xaqiijinayo damacii Males Zenaawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya, wuxuuna tusaale usoo qaatay in waxa hadda socday uu hunqaacay Xuseen Ceydiid sanaddii 2007 xilligaas oo uu sheegay in wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya loo sameynayo Hal Baasaboor

Aqoonyahannada ayaa sheegaya in Ururka IGAD uu yahay dallad lagu fuliyo ajandayaasha dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo go’aanno latabaan karo aysan ku laheyn dowladaha kale, inta badan qaraarada Ururkaas kasoo baxay waa kuwa lagu qabsaday dhulka Soomaaliya islamarkaana lagu sharciyeeyay duullaankii ciidamada gumeysiga ay kusoo qaadeen dalka.

Dowladda Federaalka ayaa dalka kusoo hoggaamisay kumanaan ciidamo Itoobiyaan ah waxayna Addis Ababa noqotay meesha sida tooska ah awaamirta looga siiyo dhammaan maamullada dalka kajira.

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo horay u ahaa taliyaha Nabad sugidda DF-ka ayaa qiray in dowladda Federaalka aysan ogoleyn in cid cadawg ku ah Itoobiya ay ku nabad gasho Soomaaliya isagoo carrab dhabay in  halgamaa Qalbi dhagax uu ahaa Nin Argagaxiso ah.

Continue Reading

Previous: Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dilal Qorsheysan Ka Fuliyey Magaalooyinka Baardheere & Baladweyne.
Next: Qarax Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

Related Stories

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022
Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.
  • Allposts
  • Warar

Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.

November 21, 2022
Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Jubbooyinka Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Warar

Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Jubbooyinka Iyo Bakool.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.