Maxkamad Islaami Ah Oo Xukunno Liwaad Iyo Riddo Ku Fulisay 2 Ruux.

Maxkaamdda wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxay galinkii dambe ee shalay fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee wilaayada Jubbooyinka ka fuliyay xukunno kala duwan oo lagu fuliyay labo ruux oo ku kacay falal isugu jira Liwaadnimo iyo fal riddo ah.

Cabdullaahi Ooyow waa mid ka mid ah eedaysaneyaashii shalay xukunnada dilka ah lagula fuliyay fagaaraha Kamsuuma waxaana ninkan lagu helay in uu fal liwaadnimo ah kula kacay wiil yar halka eedaysanaha kalena oo isagana lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Faarax lagu helay in uu ka tirsanaa maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.

Fagaaraha uu xukunku ka dhacayay waxaa buuxdhaafiyay dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimid xaafadaha degmada Kamsuuma iyo deegaammada hoos taga si ay marqaati uga noqdaan fulinta xadkaasi ka midka ah xuduuda Allaah.

Mid ka mid ah qudaada maxkamadda islaamiga ayaa goobta fagaaraha ka akhriyay xukunnada kala duwan ee kasoo baxay maxkaamda wilaayada islaamiga Jubbooyinka iyadoo akhrinta xukunka maxkamadda ka dib goobta lagu wada toogtay labada nin ee ku kacay falalka baalmarsan shareecada islaamka.

Halkan Ka Dhagayso Warbixin Ku Aadan Xadadka.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.