Mayoonga Oo U Dhintay Dhaawacii Soo Gaaray.

miyoongaCol. Mayoonge oo ahaa xeer ilaaliya ku xigeenka waxa loogu yeero Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Ridada Federaalka ayaa ku dhintay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa dhaawac halis ah ku noqday weerar ay ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ugu geysteen meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia 32 maalmood ka hor.

Col.Mayoonge ayaa ahaa dagaal ooge xukunno dilal ah ku ridi jiray dhalinyarada gobolka Banaadir ee ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada.

Mayoonge ayaa xukunkii ugu dambeeyay ku riday Allaha u naxariistee Xasan Xanafi Xaaji oo kamid ahaa saxafiyiinta Mujaahidiinta ah ee taariikhda dahabiga ah ku dhax lahaa saxaafadda Islaamiga ah.

Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina waxay sheegeen in xaaladda caafimaad ee Col.Mayoonge ay maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaysay mana helin adeeg caafimaad oo taya leh taasi oo muujinaysa in madaxda dowladda Federaalka ay dayaceen kadib markii ay ku shaqeysteen oo ay lugta u geliyeen dagaal uusan ka bixi Karin.

Murtadkan dhaawaca u dhintay waxay si aad ah isugu dhawaayeen Murtadka lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Tuur Yare madaxii hore ee sirdoonka dowladda Ridada Federaalka oo ay ku saaxiibeen xasuuqa dhalinyarada Muqdisho ee aan waxba galabsan.

1 Comment
  1. Nasr Muse says

    Tuug qaaina oo murtada uu ahaa.
    Muxuu dhalinyarada muslmiin oo aan waxba galabsan been ku xukumey

Comments are closed.