Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Mixnadda Islaamka Ku Haysata Faransiiska..Iyo Siyaasiyiin Soo Jeediyay In Aayado Quraan La Tiro.
  • Allposts
  • Warar

Mixnadda Islaamka Ku Haysata Faransiiska..Iyo Siyaasiyiin Soo Jeediyay In Aayado Quraan La Tiro.

April 25, 2018

Dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada Reer galbeedka waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee takoorka iyo faquuqa ay kula kulmayaan Jaaliyadaha muslimiinta ee kudhaqan wadamada Reer galbeedka.

Dalkan waxaa ku nool shakhsiyaad caan ah oo si bareer ah ugu gefay diinta islaamka iyo muslimimiinta, waxaana ay helaan dhiiragelin iyo taageero ka imaaneysa dhanka madaxda wadamada galbeedka ee dagaalka kula jira muslimiinta caalamka.

Hadda waxaa dalka Faransiiska ka billowday mashruuc lagu dalbanayo in Quraanka kariimka looga tirtiro qaar kamid ah Aayadaha Quraanka kariimka, gaar ahaan Aayadaha ka hadlaya Jihaadka, Xaakimiyada iyo Al-walaa wal-baraa.

Wargeyska Lu Barisian ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa baahiyay boor weyn oo ay ku saxiixanyihiin kudhowaad 300 oo ruux oo caan ka ah Faransiiska, isuguna jira macallimiin, dhakhaatiir, wariyaal iyo siyaasyiin caan ah, waxaana qoraalka boorka ku qoran loogu dhalleecaynayaa muslimiinta iney yihiin “ Argagaxiso”, iyagoona ugu baaqay iney tirtiraan qaar kamid ah Aayadaha Quraanka kariimka.

Gaaladan saxiixday soo jeedintan oo u muuqaneysa iney ku jees jeesayaan Muslimiinta ayaa sheegay iney jiraan qaar kamid ah Aayadaha Quraanka kariimka ay ku baaqayaan in la tacdiibyo Yahuudda iyo gaalada kale, waxayna sheegeen iney arintaasi tahay mid ay ka faa’ideysan karaan waxay ugu yeereen “ Dadka Argagaxisada ah”.

Soo jeedintan oo dadka saxiixay ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Faransiiska Niclos Sarkozy iyo qaar kamid ah madaxda axsaabta siyaasadda ee Faransiiska ayaa sheegay iney rajeynayaan in muslimiinta Faransiiska ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee fura albaabkan, ee ah in musxafka laga tir tiro qaar kamid ah Aayadaha, ka hor inta aysan Faranca ku laaban sidii ay waaya hore ahaan jirtay.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in boorkan ay ku qorantahay soo jeedintan, laguna dhejiyay wadooyinka ugu weyn ee magaaladaPaaris caasimadda Faransiiska iney saxiixaan  qaar kamid ah A’imada masaajida ay ku tukadaan dadka muslimiinta ah.

A’imada saxiixay, fakarkaasna qaba waxaa kamid ah imaamka masjidka Naanti Muxamed Qaroomi, Xassaan Shalquumi iyo A’imo kaloo dhowr ah.

Wasaaradda Garsoorka iyo cadaaladda dowladda Faransiiska oo ka hadashey arintan ayaa shaaca ka qaaday iney muhiim tahay in jawaabta ay mujtamaca kale ee muslimiinta ka bixinayaan soo jeedintan ay noqoto mid miizaaman, islamarkaana abuurin dhibaato ka dhex dhacdo dadka Faransiiska ku nool.

Dadka muslimiinta ee Faransiiska ku nool ayaa arintan aad uga soo horjeestay, waxayna sheegeen iney tahay mid muujineysa cadaawadda sii laba lixaadsaneysa ee ay Reer galbeedku u qabaan muslimiinta.

Dadka hormuudka u ah bulshada Muslimiinta ee Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inaaney marnba banaaneyn in kitaabka Quraanka laga xadfo shaqal, iska daaye Aayad Quraan oo kaamil ah, waxayna ku baaqeen in la joojiyo arimahan oo kale.

Inkastoo cadaawadda ay Gaaladu u qabaan muslimiinta ay ahayd mid soo jireen ah, islamarkaana jiri doonta, ayaa hadana arimahan soo cusboonaanaya waxay waxbadan tusi doonaan dadka Muslimiinta ee dhab mooda waxyaabaha ay sheeganayaan Reer galbeedka, oo ay kamid tahay iney qadarinayaan muctaqadaatka dadka Muslimiinta ah.

Continue Reading

Previous: Qarax Shisheeyaha Lagula Beegsaday Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelada Hoose.
Next: Shabaabul Mujaahidiin Oo Gaari Gaashaaman Ku Qabsaday Dagaal Sh/hoose Ka Dhacay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-4-1444-Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.