Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah ee dalka Yemen ayaa soo saaray Bayaan ay isaga fogeynayaan Mas;uuliyadda weerar hubeysan oo maalintii Jimcaha ee todobadkii lasoo dhaafay lagu qaaday Xarun lagu daryeelo dadka da’da ah oo ku taalla Magaalada Cadan ee Koonfurta dalkaasi, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah ee ka howl-gala magaalada Cadan inaysan wax lug ah ku laheyn falkaasi. Sidoo kale Mujaahidiintu waxay iska fogeeyeen inay ku lug leeyihiin toogashadii lagu dilay Sheykh C/raxmaan Al-Cadani oo kamid ahaa Culimada ku nool magaalada Cadan, iyadoona Sheekha todobaadkii lasoo dhaafay lagu toogtay gudha magaaladaasi.
“Ehelkeenna Cadan waxaan u xaqiijinaynaa in annagoo ah Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah inaan iska bari yeeleyno howl-galkii lagu beegsaday dhismihii ay daganaayeen dadka Waayeellada ah, waxaan sidoo kale iska fogeynaynaa dilkii Sheykh C/raxmaan Al-Cadani, taasi ka mid aha dariiqa dagaalkeenna, annaga sidaad nooga barateen waxaan u dagaallameynaa Allah dartiisa, annagoo u hiilinayna madluumka, gacanna siinayna midka taagta daran, waxaana Umaddeenna ka hortaagan nahay Cadowgeeda†ayaa lagu yiri Bayaanka.
Mujaahidiintu, waxay ugu baaqeen qeybaha kala duwan ee Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda inay ku dadaalaan Misdaaqiyadda iyo hubinta Wararka ay faafinayaan, waxaana taas ay ka dambeysay kadib markii Warbaahinta qaarkood iyagoo aan waxba hubeysan ay falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Cadan u tiiriyeen Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah.
Weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday Xarun Isbitaal oo lagu daryeelo dadka da’da ah oo ku taalla magaalada Cadan ayaa waxaa ku dhintay 17 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana illa iyo hadda aan jirin cid sheegatay mas;uuliyadda weerarkaasi khasaaraha badan sababay.
maasha allaah. waa wax fiican, oo lagu farxo, in mujaahidiintu iska bariyeelaan, oo iska fogeeyaan, falalka guracan ee gaalada iyo murtadiintu ka dambeeyaan.
WAANA INTA KALIYA EE MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED LAGA WAAYEY.
ku dayda walaalihiin, oo iska fogeeya falalka murtadiinta iyo gaaladu ka dambeeyaan ama la aamusa sidiinii.