Mujaahidiinta Al-qaacidah Oo La Wareegay Magaalo Ka Tirsan Dalka Maali.

maali-dalkaIyadoo saacadihii lasoo dhaafay rag hubeysan ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Baanambaa ee ka tirsan Gobolka Kiiliko ee Koonfurta dalka Maali waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan cidda la wareegtay magaaladaasi.

Mu’asasada Al-rimaax ee garabka warbaahineed ee Mujaahidiin Jamaacada Ansaaru diin ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaaciddah ee Bilaadul Magribil Islaam ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Ansaaru diin la wareegeen gacan ku heynta magaalada Baanambaa ee ka tirsan Gobolka Kiiliko ee Koonfurta dalka Maali.

Bayaanka ayaa lagu xusay dagaal culus oo ka dhacay magaalada in ciidamada Mujaahidiinta ay u suura gashay la wareegida gacan ku heynta magaalada’iyadoona wax dhintay iyo wax dhaawacmay ay noqdeen maleeshiyaatkii maamulka daba dhilifka dalka Maali ee horay ugu sugnaay magaaladaasi.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sii daayay dad fara badan oo ku xirnaay xabsiyada magaaladaasi’waxeyna ciidamada Mujaahidiinta Ganiimeysteen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah dib uga baxeen magaalada Baanambaa ee ka tirsan Gobolka Kiiliko ee Koonfurta dalka Maali.

Calamada.com

Comments are closed.