Akhriso Mujaahidiinta Alshabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Duleedka Mandheere.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar culus oo habeenkii xalay lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Shimbir-faadumo oo ah deegaan ku yaala inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq Kenya iyo magaalada Mandheere oo ka wada tirsan dhulka Kenya xooga kaga heysato Somalia.

Deegaanka weerarka uu ka dhacay waxa uu hoostagaa Ceelwaaq Kenya waxaana uu u dhaw yahay magaalada Mandheere,iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha nafeet ee ka dhashay weerarkaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiishii horkaceysay ciidamadii Mujaahidiinta ee weerarkaasi fuliyay ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Shan Gaalo Kenyaati ah laguna dhaawacay Labo kale oo isla gaalada Kenyaatiga ah.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro joogta ah ka fuliya dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia iyo gudaha dalka Kenya,weeraradaasi oo lagu dila gaalo Kenyaati ah laguna guba xarumo ay leedahay dowlada Saliibiyadda Kenya.

Calamada.com

Comments are closed.