Iyadoo barqo nimadii maanta gudaha magaalada Muqdisho uu ka dhacay weerar si xun loogu dhaawacay xildhibaan Muxamed Cali Diheeya ayaa waxaa mas’uuliyada weerarkaasi sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Idaacada Islamaiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona weerarka uu ka dhacay Ceelgaabta degmada Xamarweyne.
Andalus oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta ayaa intaasi ku dartay in weerarkan uu qeyb ka noqonayo weeraro xiriir ah oo todobaadkan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu kala dilay saraakiil ka tirsan nabadsugida dowlada Ridada federaalka.
Weerarkan maanta ka dhacay gudaha degmada Xamarweyne ee xildhibaanka lagu dhaawacay ayaa noqonaya weerar maalintii afaraad si xiriir ah ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho.
Calamada.com
Inshaallah murtadkaan qaainkaa waxaan rajeyneynaa inuu dhaawaca u baqtiyo