Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Marka.
Ciidamada Muslimiinta ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada Marka kadib markii magaaladaasi ay isaga carareen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona ciidamada Kufaarta AMISOM ay ku suganyihiin deegaan dhaca duleedka magaaladaasi.
Raayada Towxiidka ayaa laga taagay saldhiga magaalada iyo qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha’iyadoona wadooyinka magaalada ay isugu soo baxeen boqolaal shacab ah oo si aad ah ugu farxsan in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegaan gacan ku heynta magaaladaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Marka ka jirtay bandow ay kusoo rogeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona maleeshiyaatka dowlada cararkooda ay kusoo aadeysa xilli weerar habeenkii xalay ka dhacay xerada Laanta buura lagu dilay inka badan 30 askari oo Murtadiin ah tiro gaadiid ahna looga qabsaday dowlada Federaalka.
Calamada.com
Ù†ØÙ† مواÙقون من ØÙŠØ« نكاية الأعدا
Mujaahidiinta Alshabaab Oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Marka.
https://t.co/oRppZ7pSeO
ماشاءالله