Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah Oo Weerar Askar Lagu Dilay Ka Fuliyay Yeman.

Wararka ka imaanaya waddanka Yeman waxay sheegayaan in weerar qorsheysan oo ay soo agaasimeen ciidamada Mujaahidiita Ansaaru shareecah oo ah koox taabacsan urur waynaha jihaadiga Al-qaacidda lala eegtay wakiilada Iiraan ee dalka Yeman.

Weerarkan waxay ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru shareecah ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jacer oo hoos taga magaalada Alsowmacah ee gobolka Al-baydaa waxaana lala beegsaday maleeshiyaad daacad u ah xukuumadda Tehraan.

Bayyaan rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru shareecah waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsan ciidamadooda ay weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyo taabacsan kooxda Xuuthiyiinta xilli ay ku sugnaayeen deegaan hoos taga magaalada Al-sowmacah ee gobolka Al-baydaa.

Warka kasoo baxay jihaadiyiinta Al-qaacidda ee dalka Yeman waxaa lagu sheegay in weerarka ay ku dileen 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ah maleeshiyaad ay soo carbisay dowladda shiicada Iiraan.

Mujaahidiinta jaziiratul carab oo taabacsan urur waynaha Al-qaacidda waxay si firfircoon uga howlgalaan wadamo badan oo dhaca jaziiradda carabta sida Yeman iyo kuwa kale waxayna sidoo kale howlgallo ka fuliyaan wadamada reer galbeedka sida Yurub iyo Ameerika.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.