Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Mujaahidiinta Dalka Maali Oo Saldhig Ciidan La Wareegay.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Dalka Maali Oo Saldhig Ciidan La Wareegay.

calamada July 20, 2016 2 min read
95

ansaaru diin25Mujaahidiinta Xarakada Anaaru Diin ee Dalka Maali ayaa maalintii Talaadada ee shalay waxay weerar ballaaran ku qaadeen Saldhig Meliteri oo Ciidamada Dowladda daba dhilifka ee dalkaas ay ku lahaayeen magaalada lagu magacaabo Nampala oo qiyaastii 500 km u jirta magaalada Caasimadda ah ee Bamako.

Sida lagu sheegay Qoraal kooban oo barta Twitterka ay ku faafisay Mu’assasada Rimaax ee garabka Warbaahineed ee Xarakada Ansaaru Diin waxaa howl-galkaasi qaaday Katiibada lagu magacaabo Masiinaa ee taabacsan Xarakada Ansaar Diin ,iyadoona halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo saacado badan qaatay, kaasi oo ugu dambeyntii keenay  in Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegaan Saldhigga.

Xarakada Ansaaru Diin waxay sheegtay in howl-galkaasi ay ku dishay tobaneeyo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda daba dhilifka ah ee Maali, waxay sidoo kale sheegtay inay kula wareegtay hubkii iyo Saanaddii Xeradaasi dhexyaallay, islamarkaana la gubay gaadiid iyo agabka kale oo Meliteri.

Saraakiil u hadlay Dowladda Maali ayaa qirtay in Ciidamadooda si xun loogu jebiyay dagaalkii ka dhacay magaalada Nampala, waxayna xaqiijiyeen in Saldhigga Meliteri ee magaaladaasi kuyaalla ay si buuxda ula wareegeen Mujaahidiinta ka hor inta aysan halkaasi ka bixin kadib markii ay ka rarteen Saanaddii Meliteri ee halkaasi ay kasoo ghamiineysteen.

Gudoomiyaha degmada Diyaabaali ee u dhow magaalada Nampala Cusmaan Diyaalo ayaa yiri : “ Ciidamadu waxay isku uruursanayaan magaalada Diyaabaali, si ay u qaadaan weerar rogaal celis ah oo ay ku doonayaan inay dib ugula wareegaan Saldhigga laga qabsaday”.

Weerarkan ballaaran ee Xarakada Ansaaru Diin ay ku qaadday magaalada Nampala ee Dalka Maali waxa uu imaanayaa xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay Mujaahidiinta ka dagaallama dalkaasi sii xoojiyeen howl-gallada iyo weerarrada ay ku qaadaan Ciidamada Isbaheystay ee ku duulay dalkaasi iyo Ciidamada daacadda u ah Maamulka daba dhilifka ee ka taliya Dalka Maali.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 15-10-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm Ee Andalus 15-10-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

June 28, 2022
Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.