Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Mujaahidiinta Dhaalibaan Oo Boqolaal Askar Ah Ku Dilay Howlgal Inqimaasi Ah Oo Ka Dhacay Afghanistan. WARBIXIN
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Dhaalibaan Oo Boqolaal Askar Ah Ku Dilay Howlgal Inqimaasi Ah Oo Ka Dhacay Afghanistan. WARBIXIN

calamada April 22, 2017 4 min read
75
Istish-haadiyiinta Fuliyey Weerarkii Feylaqa 209aad – Taqabalahumullaah

Ciidamo inqimaasiyiin ah oo ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar lagu hoobtay oo qaatay muddo saacado ah ku qaaday saldhig weyn oo ciidamada murtadiintu ku leeyihiin waqooyiga wadanka, Iyadoona halkaas lagu dilay ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan cadowga, Iyadoo sidoo kalena halkaas lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Imaarada islaamiga Afghanistan oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay in marka la isku geeyo askarta la dilay iyo kuwa la dhaawacay in uu cadadku gaarayo ilaa 500 Askari, waxayna sheegtay in howlgalka fuliyeen majmuuca ka tirsan guutada istish-haadiyiinta ee Imaarada islaamiga.

Imaarada ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen 10 Istish-haadi oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta kuwaas oo muddo 8 saacadood oo xiriir ah ka dagaalamayey gudaha xerada, halkaasna ku xasuuqayey maleeshiyaatka murtadiinta. Waxay sheegeen ragga weerarka fuliyey ay wateen qoryaha fudfudud iyo midka culus, suumanka la isku qarxiyo, bam gacmeedyo iyo maaratoofyada lagu gubo gaadiidka gaashaaman.

Halyeeyo Ku Diyaarsanaa Xerada

War Saxaafadeedka ka soo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa sidoo kale lagu sheegay in afar ka mid ah halyeeyada fuliyey weerarka ay ku dhexjireen ciidanka cadowga, ayna muddo dheer ka shaqeynayeen gudaha saldhigga iyagoo sugayey weerarkan barakeysnaa.

Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday Talis ciidan oo ay dagan yihiin Feylaqa 209aad ee ciidanka Xukuumada Kabul, Wuxuuna talis dhexe u yahay ciidamada ka howlgala waqooyiga wadanka. Saldhigga wuxuu ku yaallaa meel dhowr KM oo kaliya u jira magaalada Mazar-Shariif, Wuxuuna hooy u yahay ku dhawaad 30,000 (Soddon Kun) oo Askari sida ay tilmaamayaa warbaahinada maxaliga ee gudaha wadanka.

Weerarka lagu qaaday xerada wuxuu ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo si salhan kaga gudubtay ganteelka hore ee xerada, kana dhacday gudaha xerada, ka dibna waxaa xigay weerarka Iqtixaamka ah oo ay fuliyeen 9 dagaalyahan oo Albaabka hore ku diyaarsanaa.

Saraakiil u hadashay Xukuumada Kabul ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 140 askari looga dilay weerarka, sidoo kalena looga dhaawacay ilaa 160 kale taas oo dhimashada iyo dhaawaca marka la isku geeyo ka dhigeysa ilaa 300 oo askari. Laakiin Imaarada islaamiga ayaa tilmaameysa in qasaaruhu uu intaas ka badan, islamarkaana 500 oo askari ay halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Gawaarida ciidanka iyo Kaararka Aqoonsiga.

Marka loo eego macluumaadka laga helayo laamaha Amaanka ee Xukuumada Kabul iyo dadka magaalada Mazar-e Sharif, wuxuu weerarku ahaa mid gaar ah oo si cajiib ah loo soo abaabulay.

Ilo wareedyada dhanka Amaanka waxay sheegayaa in dagaalyahanada weerarka fuliyey ay wateen saddex gaari oo kuwa ciidanka ah, ayna ku labisnaayeen dareeska military-ga, ka dibna Markii ay soo istaageen Al-baabka xerada la soo baxeen kaarar aqoonsi ah taas oo fududeysay in gaarigii ugu horeeyey ee Istish-haadiga uu si sahlan kaga gudbo albaabka.

Ilo wareedyo kale waxay tilmaamayaa in dagaalyahanada markii ay soo gaareen Al-baabka hore ay waardiyeyaasha ku wargeliyeen in ay ka mid yihiin ciidanka Xukuumada, ayna wadaan askar dhaawac ah.

Imaarada Islaamiga ayaa baahisay sawirada Istish-haadiyiinta 10-ka ah ee fuliyey weerarka oo saf dheer ku jira sida aad ku arki karto qeybta kore ee safxada, laakiin wejiyada ayaa loo qariyey. Dagaalyahanada ayaa aad u qalabeysan waxayna xiran yihiin darees ciidanka Military-ga.

John Nicholson ayaa xasuuq ku tilmaamay Weerarka

Xeradan waxaa la sheegay in sidoo kale ay joogeen ciidamo ka tirsan dowlada Jarmalka oo tababarada iyo talooyinka dhanka dagaalada ka saacidayey murtadiinta kuwaas oo aanan dhankooda la ogeyn wax qasaare ah oo weerarkaas ka soo gaaray.

Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, John Nicholson ayaa xasuuq ku tilmaamay waxa ka dhacay xerada, wuxuuna amaanay ciidamada Kumaandooska ah ee Afghanistan oo uu sheegay in ay soo afjareen weerarka.

Nicholson ayaa bishii February ee la soo dhaafay gudiga ciidamada ee Golaha Senate-ka u sheegay in ay u baahan yihiin dhowr kun oo askari oo dheeraad ah si ay kaga caawiyaan howlaha tababarada iyo caawinaadda dagaalka ee ay ka wadaan Afghanistan Maadama awoodda Imaarada Islaamiga ay kor u soo kacday waayadii dambe.

Mareykanka waxaa hadda Afghanistan ka jooga 8,400 oo askari, waxaana joogitaankooda halkaas ku wehliya ilaa 5,000 oo askari oo iyagana ka socda isbaheysiga NATO kuwaas oo lagu reebay wadanka markii la soo afjaray howlgalkii Isbaheysigaas dhamaadkii 2014-ka.

Fariinta Uu Xambaarsan Yahay Weerarka

Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay bayaankeeda ku sheegtay in weerarkan uu aargud u ahaa Wullaadda gobolada Khunduz iyo Baghlan Sheykh Mullah Cabdi Salaam iyo Maxamed Xaakim oo lagu dilay weeraro Mareykanka uu ka fuliyey wadanka, waxayna tilmaameen in xeradan la weeraray ay ahayd meesha laga soo abaabulay weerarada lagu dilay wullaadaasi.

Waxay sheegeen in weerarka shaley oo jimca ahayd lagu qaaday Xerada Feylaqa 209aad in uu xambaarsanaa fariin adag oo ku socota dhamaan canaasiirta ciidanka, Saraakiisha Military-ga, Police-ka iyo dhamaan laamaha amaanka ee Xukuumada Kabul, islamarkaana weerarada sanadkan ku soo wajahan ay noqon doonaan kuwo ka xunuun badan midkii shaley.

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo 25-07-1438 Hijri.
Next: Shirkii Stuttgart Oo Banaanka Soo Dhigay Niyad Jabka AMISOM iyo AFRICOM Ee Hardanka Soomaaliya. (WARBIXIN)

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.