Mujaahidiinta Dhaalibaan Oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Muhiim Ah.

Wadanka Afghanistan waxaa wali kasii socda dagaallada culus ee u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah iyo maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka ah ee wada shaqeynta laleh saliibiyiinta Mareykanka.

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay ciidamada Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen dhul ballaaran oo katirsan gobolka Baadghis ee dhaca waqooyi galbeed wadanka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo imaarada islaamiga ah ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu ay si buuxda maamulayaan illaa iyo 12 tuulo oo katirsan wilaayada Baadghiis, boqolaal katirsan ciidamada cadawga ayaa isaga cararay tuulooyinka kadib markii dagaalka looga itaal roonaaday.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa faafisay in tobaneeyo askari xukuumadda looga dilay duullaanka ballaaran ee mujaahidiintu ku qaadeen gobolka Baadghiis.

Sheekh Daabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war uu soo saaray muslimiinta ugu bishaareeyay in dagaal culus kadib mujaahidiintu ay furteen degmada Istiraatiijiga ah ee Darah-boom oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Baadghiis.

Guulahan waaweyn ee lagasoo sheegayo Afghanistan ayaa qeyb ka ah xamalada xiliga guga ee mujaahidiintu ku dhawaaqeen dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay waxaana xamladaasi Jihaadiga ah loogu magac daray “Al Mansuuriyah”.

Warbixin dhawaan kasoo baxday taliska ciidanka Mareykanka ee Afghanistan ayaa lagu xaqiijiyay in wax kabadan 770 oo Askari xukuumadda Kaabuul looga dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay 34-ka ee uu ka koobanyahay wadankaasi.

1 Comment
  1. abufatima says

    Shantu ninayan kaa celin sharci kaama dhiciyee
    Shaqaaqada kufrigu wado shujaac kaadifaaciyo
    Shawad adag hadayan jirin gaal kugu shabaaxiyo
    Shaydiin isbiirsaday maatadiyo shicib kii
    Shaaga inuu dul ariyaa shay caadiyuu noqon
    Shabaab dhiidhiaayiyo hadaan geesi shaamikhi
    Shareecada difaacayn shayaadin isbirsaday
    Inuu saraf dilkaagiyo ka saqeeyo xumahaa
    Shumucaa ifaayana damiyaan sharwada yaal
    Sharci dawliyaa jira shaydaan inuu dhoho
    Shuyuukh culumo suuyana shisheeyaha kufriyey
    Iyo shayaadiin isbiirsaday shubahaad afuufaan
    Shaaqigiyo qabaanadu sharafmaysa layneen
    Sida shibile iyo uml amase sheekh bashiir kii
    Shalaydaan dhawayd yiri gadmi waa sharkenoo
    Been taan shubayniyo shubahiyo afxumadii
    Shacbigu waa ku daaloo shabaabuu ku biiree
    Shirqooladiyo dhagartii iyo shirar ku baaqoo
    Sheekadan badala oo shaxdan socon ay maysee
    Shisheeyiyo kufaar iyo shaydaan haloowoco

Comments are closed.