Isbaheysiga Jeyshul Fatxi ee ay ku mideysan yihiin qaar ka tirsan Jamaacaatka islaamiga ah ee ka dagaallama Dalka Suuriya ayaa horumarro ka sameeyay dagaallo qaraar oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab ee Dalka Suuriya.
Sida ay wararku sheegayaan, Xoogagga Isbaheysiga oo maalmo ka hor qaaday guluf dagaaleed xooggan ayaa waxay la wareegeen Seddax degmo iyo tuulooyin istaraatiiji ah, waxaana khasaare ba’an ay gaarsiiyeen Ciidamada Nuseyriyada iyo Maleeshiyaadka rawaafidda ee deegaanadaasi ku sugnaa.
Xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah ee qeybta ka ah Isbaheysigaas ayaa waxay la wareegeen degmooyinka Khalasah iyo Zeytaan ee Koofurta Gobolka Xalab, iyadoo saakay aroortiina ay Mujaahidiintu qabsadeen deegaanka istaraatiijiga ah ee lagu magacaabo Barnah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogagga isbaheysiga inay kusii siqayaan degmada lagu magacaabo Al-Khaasir, halkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin Maleeshiyaad rawaafid ah oo kasoo kala jeeda Waddamada Ciraaq, Afghanistan, Iiraan iyo Lubnaan.
Sidoo kale ilo wareedyadu waxay sheegayaan in dagaalladii cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanno hoos yimaada baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab in lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Maleeshiyaadka Shiicada ah, iyadoona khasaaraha ugu xooggan uu soo gaaray Maleeshiyaadka Ururka Xizbu Sheydaan, waxaana laga dilay inkabadan Labaatan dagaalyahan, halka sidoo kalena gacanta looga dhigay tiro maxaabiis ah.
Qabsashada xoogagga Isbaheysiga Jeyshul Fatxi ee deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Xalab waxay kusoo beegmeysaa xilli laba bilood ka hor ay sidan oo kale horumaro uga sameeyeen Gobolkaasi, iyagoona xilligaasi qabsaday degmooyinka istaraatiijiga ah ee Al-Ciis iyo Khan Dhuumaan.
الله أكبر الله أكبر والعزة للإسلام
allaahu akbar allow mujaahidiinta uhiili