Mujaahidiinta Oo Weeraro Saf Ah Ku Qaaday Saldhigyada Shisheeye Ee Sh/hoose.

Ciidamo ka tirsan jeyshka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay howlgallo ballaaran oo si wayn loogu naafeeyay shisheeyaha iyo kuwa dabadhilifyada u ah ka fuliyeen deegaamo dhowr ah oo dhaca wilaayada Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka koowaad waxay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada Yugaandha iyo kuwa dowladda federaalka ah ay ka samaysteen degmada Qoryooley oo dhacda wilaayada Sh/hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxay ciidamada xaq u dirirka ah weerareen saldhigga ciidamada shisheeyaha Yugaandha ay ka samaysteen deegaanka NO 60 . hugunka rassaasta iyo deryanka hubka culus ee la isku adeegsanaayay dagaalka waxaa si wayn looga maqlayay tuulooyin dhowr ah oo hoos taga deegaanka lamana soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dagaalka balse waxaa jira khasaare maadi ah oo soo gaaray shisheeyaha.

Dhanka kale waxay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin weeraro xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda federaalka ah ka samaysteen degmada Jannaale iyo deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye waxayna ciidamada Mujaahidiintu dhowr jiha ka weerareen saldhigyada maleeshiyada Soomaalida waxaa jira khasaare kala duwan oo ciidamada kooxda Farmaajo lagu gaarsiiyay dagaallada.

Howlgalladan waxay qayb ka yihiin howlgallada jihaadiga ah ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay sida xowliga ah uga waddo guud ahaan gobollada dhaca bariga illaa Laamu kuwaas oo lagu ciribtirayo haraadiga ciidamada shisheeye iyo kuwa kabaqaadka u ah.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.