Muslimiinta Mombasa Oo Kasoo Hor Jeestay Xukun Lagu Riday Haweeney Muslimad Ah.

Muslimiinta reer Mumbasa ayaa si wada jir ah uga soo hor jeestay xukun ay maalintii shalay dowladda Kenya ku riday Haniyah Saciid oo ah haweeney muslimad ah oo ay horey seydeedii u dileen askarta dalkaas.

Culimada iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa masaajidda iyo baraha lagu kulmo ka sheegay inuu gardarro cad ahaa xukunkii maalintii shalay lagu riday carmaladdii uu ka shahiiday Allaah ka aqbalo’e Sheekh Cabuud Rogo oo kamid ahaa culimada waaweyn ee gobolka.

Muslimiintu waxa ay sheegeen in xukunka Haaniya oo ah 10 sano oo xabsi ah ay u arkaan mid uun qeyb ka ahaa ol’olaha la dagaalanka muslimiinta reer Mumbasa, iyagoona  nidaamka Uhuru kula taliyay inuu xabsiga kasii daayo haweeneydan muslimadda ah.

Haaniya ayaa maalintii shalay iyadoo xijaaban kasoo muuqatay maxkamadda, waxaana xusid mudan in la xukumay iyadoo iska fogeysay dhammaan eedeymihii loo jeediyay oo kuwa gacan ku sameys ahaa.

Hooyadan waxay korineysay caruurtii agoonta ahayd ee ay dowladda Kenya ka dishay aabahood, waxaana dhibkii ay qabeen caruurtaasi loogu sii daray in haddana laga xidhay hooyadood oo la daalaa dhacaysay nolol maalmeedkooda.

Kenya ayaa dagaal ba’an ku heysa muslimiinta, gaar ahaan kuwa xeebaha ee ay xoogga ku heysato dhulkooda, waxaana la yaab leh sida ay arrimahan isaga indha saabayaan hey’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha.

1 Comment
  1. cali dagare says

    Maasha alaah

Comments are closed.