Muxamed Mucalim Xassan Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha  magaalada Muqdisho waxay ku toogteen gudoomiye waaxeed katirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabo Murtad Maxammed Macallin Xassan ayaa  gudoomiye ka ahaa waaxda Kacaan ee degmada Xamar-weyne.

Ragga dilka geystay ayaa markii ay howshooda dhameysteen waxay goobta uga baxsadaan si nabad ay ku dheehantahay.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday meydka sarkaalka katirsan dowladda ee la khaarijiyay.

Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u geysaneyso askarta, saraakiisha iyo xubnaha katirsan dowladda federaalka, waxaana muuqata in awoodda ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gudaha caasimadda ay sii kordheyso.

Comments are closed.