Nin Saaxir Ahaa Iyo Askari Boolis Ah Oo Lagu Toogtay Degmada Jamaame [Dhageyso].

Fagaare kuyaal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay eedaysanayaal.

Maxkamadda Islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukunno dil ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Xasan Cumar oo 59 sana jir ahaa kaasi oo lagu helay in uu Sixirka ku shaqeysan jiray kuna dhibaateyn jiray bulshada.

Eedaysanaha labaad ee ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Max’med Mowliid Aadan oo 48 sana jir ah, ninkan ayaa isagoo katirsan ciidamada booliska maamulka ‘Jubbaland’ lagu qabtay deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.

Halkan ka degso Qaadiga Maxkamadda Islaamiga oo faah faahin bixinaya MP3

Comments are closed.