Ninkii Swedish-ka Ahaa Ee Aflagaadeeyay Nabiga SCW Oo Si Xun U Dhintay.

Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa sheegaya in uu si xun u dhintay ninkii gaalka ahaa ee aflagaadeeyay Nabi Mux’med صلى الله عليه وسلم kaasi oo sanadadii lasoo dhaafay hadaf u ahaa muslimiinta.

Booliska dowladda Sweden ayaa xaqiijiyay geerida Lars Vilks oo ahaa malcuun sanaddii 2007 sawir gacmeed ku aflagaadeeyay Nabiga SCW, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay saxifadda Dagens Nyheter ee laga leeyahay dalka Sweden gaari ay lahaayeen ciidamada Booliska oo uu la socday Lars Vilks waxaa jiiray gaari shaaximan waxaana shilkaas ku dhintay gaalkii Nabiga caayay iyo 2 askari boolis ah.

Wakaaladda wararka ufaafisa Sweden ee loo yaqaan TT ayaa sheegtay in Lars Vilks oo 75 sana jir ah ay ladhinteen laba askari boolis ah islamarkaana uu dab qabsaday gaarigii ay la socdeen balse ay baarayaan sababta shilka keentay.

Kumanaan muslimiin ah oo ku dhaqan daafaha caalamka ayuu ninkan hadaf u ahaa, tan iyo markii u sawir gacmeedka sameeyay ayuu wajahay isku dayo weeraro lagu dili rabay balse waxaa ammaankiisa si aad ah u ilaalin jiray ciidamo isugu jira boolis iyo sirdoon.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.