1 thought on “Dhageyso Ogaaska Beesha Mursade Oo Dagaal Kale Ku Iclaamiyay Askarta Itoobiya.

  1. Naga mudan kufriga macan gagaa miino loo dhigoye
    Naga mudan masaar iyo amley lagu majiiraaye
    Margiyada hadaan xabash lajarin maatadeen laayey
    Macno male inaan gabay tirshaa maanta dabadeede
    Mar quriyo inaan aarsanaa mudan inshaalaahe
    Mushrik iyo nasaariyo kufriyo xulufo mooryaane
    Madaw iyo cadaan cadaw islaam maanta noo kulanye
    Mag teeney qabaan ee miyaan miyaan gaalka laga qaadin
    Miisaan cadaalada miyaan beega loo miisin
    Mabda,loo dhin tay doonaysaa mawdka loo simane
    Mulkigeena niman kii qabee maatideen laayey
    Murursade iyo Maxamuud Hiraab magaca soomaali
    Maya bay dheheen xabash inuu maamulaa abide
    Margiyaday ka giijeen inay midigta dhiib taane
    Madaxoodu waa taagan yahay mahad Ilaahaye
    Mareexaanyo Habar gidirse meesha laga waaye
    Marxabeeye xabash macatab liyo gaal midkaw liita
    Maganteed wayanay noqdeen magac u yaal kiiye
    Muran iyo wixii faan yaqiin meeja laga waaye
    Sidii meera geel goojaday saynta muujeene
    Masruuf bay ku qaateen inay sharafta mayraane
    Maryahay u dhaqayaan kufrigi sidin midgaan tiiye
    Mawd geeriyaa roon waxay sharafta moodeene
    Gobanimadu macnahay lahayd diid mareexaane
    Habar gidirna meeshay Aways marisay taariikhda
    Mahadhiyo ku reebtiyo abwaan mariyey suugaane
    Galguduud mareexaanka daga diini magiciisa
    Hawraarsamiyo maxamed amaanreer celi masoo jeedo
    Guuleed faarax waa niman ka maqan meeji aan rabaye
    Uur midigyo cali maxamed iyo meeye habar ciise
    Reer siyaad xuseen muujin waa meesin kaan rabaye
    Mareexaanka Galguduud dageen magac yadood sheegay
    Inay magan Tigree yiin ayaan marag u haystaaye
    Muran iyo wixii dood qabaa hays mutuxiyeene
    Maansada halkii aan larabay mariyey liif keeda
    Galguduud malyuumaadka daga magaca soomaali
    Waycsle iyo maxamuud hiraab iyo karinle mooyaane
    Inta kale kufraa maamuliyo macatabley gaalo

Comments are closed.